Top 10: Tobankii laacib ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda gil-gilay ka dib markii ay kooxahooda u sheegeen inay ka tegayaan
Ka dib markii daqiiqadihii ugu dambeeyey ee suuqa kala iibsiga uu weeraryahanka kooxda West Bromwich Peter Odemwingie ku guuldarreystay inuu ku biiro kooxda Queens Park Rangers, aan dib u eegid ku sameyno Toban weeraryahan oo kooxihii ay bukaanka u ahaayeen ugu dambeyn ku biiray. Hala yaabin hadii aad liiskaan ku aragto dab aad is laheyd kooxdooda unbaa iska iibsay ee iyagu waxay doonayeen inay lasii joogaan.
Aan ku bilowno:
10. Fernando Torres, oo ka tegay Liverpool 2011
Fernando ayaa ku taamayey inuu lasii joogo Liverpool, halkaas oo aheyd meel si aad ah looga jeclaa, wuxuuna u sheegay maalmo ka hor inuusan meelna kooxdiisa Reds uga socon, laakiin markii ay Chelsea ku dalbatay 50 milyan oo ginni daqiiqadihii ugu dambeeyey ee suuqa kala iibsiga bishii Janaayo 2011, Torres ayaa usoo dhaqaaqay Blues wuxuuna tan iyo haatan xaga The Kop ka yahay khiyaanoole.
9. Robinho, oo ka tegay Real Madrid 2008
Wuxuu diiday inuu ku biiro Chelsea wuxuuna aaday Manchester City oo markaas lacag qaali ah kula soo wareegtay, balse xidigaan ayaa ku fashilmay inuu si fiican uga soo dhex muuqdo Sky Blues oo ugu dambeyn ka iibisay AC Milan.
8. Dimitar Berbatov, oo ka tegay Tottenham, 2008
Xiisiiha ay u qabtay Man United ayuu iska indha tiri waayey, ka dib markii uu Manchester United kusoo biiray kuma uusan qaadan mid la mid ah waayihiisii uu kusoo qaatay White Hart Line, wuxuuna saaxiib joogto ah la noqday kuriga keydka xilli xidigaan ay Red Devils si Rikoor ah ugula soo wareegtay 31 milyan oo ginni. laakiin ugu dambeyn waxaa laga iibiyey Fulham.
7. Clint Dempsey, oo ka tegay Fulham, 2012
Ka dib markii ay kooxdu lasoo wareegtay Barbatov weeraryahankii hore ee Fulham ayaa go’aansaday inuu ku biiro koox ay kooxdiisa cadaw isku yihiin waana Tottenham, xidigaan ayaa halbowle u ahaa kooxdiisa London, laakiin wuxuu ka doortay koox kale oo isla London ka dhisan.
6. Ashley Cole, oo ka tegay Arsenal, 2006
Ashley Cole ayaa diiday inuu Isbuucii mushaar ahaan Arsenal kaga qaato 55 kun oo ginni, wuxuuna ku biiray kooxda ay kooxdiisa cadaw isku ahaayeen, weli ma uusan dhamaan naceybka ay u qabaan taageerayaasha Arsenal. 5 milyan oo ginni oo loogu daray William Gallas ayaa markii dambe labada koox isku afgarteen heshiiska Cole, wuxuuna dhacay saacadihii u dambeeyey ee suuqa kala iibsiga.
5. Cesc Fabregas, oo ka tegay Arsenal, 2010
4. Cristiano Ronaldo, oo ka tegay Manchester United, 2008
Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee reer Portugal ayaa mar walba ku taamayey inuu ku biiro Real Madrid mana uusan qarsan jaceylka uu u qabo 2o08dii. Madaxweynaha FIFA Sepp Blatter ayaa xittaa xaaladii Ronaldo ee markaas barbar dhigay mid addoonimo ah hadii uu sii joogo Old Traffordm ugu dambeyn wuxuu si Rikoor ah Real Madrid kula biiray aduun lacageed dhan 80 milyan oo ginni.
3. Wayne Rooney, oo ku dhowaday inuu ka tago Manchester United, 2010
Bishii October 2010 weeraryahanka reer England ayaa ku sigtay inuu ka tago Manchester United, afkiisa ayuuna ka qirtay inuu doonayo inuuba isaga hayaamo Old Trafford, waxaana markaas la isku khilaafay dhanka kooxda loo hago.
“Waxaan la kulmay agaasimaha kooxda David Gill Isbuucii lasoo dhaafay ma uusan ii siinin wax ballan-qaad ah waxaan raadinaayey mustaqbalkeyga kooxda,” ayuu markaas yiri Rooneey.
“Ka dib waxaan u sheegay isaga inaanan qandaraas cusub saxiixi doonin.” ayuu hadalkiisa raaciyey.
Horayba waxaa kasoo dalbaday kooxda ay Man United xafiiltamaan ee Man City, laakiin 48 saac gudahood ayaa United shan sano oo qandaraas cusub ah kaga saxiixatay waxayna sheegtay inuu joogo 65 milyan oo ginni hadiiba koox ay soo dalbaneyso.
2. Carlos Tevez, kuma qanacsana Manchester City, 2010-2012
Carlos Tevesz ayaa u muuqda inuu keliya qolofkiisu la joogo Manchester City balse oo damaciisu yahay inuu kooxda ka tago ka dib markii uu khilaaf xoogan dhex maray isaga iyo tababare Roberto Mancini markii uu ciyaaryahanku diiday inuu bedel kusoo galo kulan ECL oo ay la ciyaarayeen Bayern Munich.
Mana uusan u ciyaarin lix bilood ka dib markii uu iska aaday dalkiisa Argentina, wuxuuse City usoo laabtay ka dib markii ay ku dhibtodeen horyaalka isagoo ka caawiyey inay horyaalka qaadaan, waxaana la yaab noqotay in horti la iibiyey Mario Balotelli.
1. Pierre van Hooijdonk, oo ka tegay Nottingham Forest, 1998

















