John Salako: Wilfried Zaha Manchester United wuu u bedeli karaa Cristiano Ronaldo
Ciyaaryahankii hore ee qadka dhexe uga ciyaari jiray kooxda Crystal Palace John Salako ayaa aamisan in ciyaaryahanka ay dhowaan milkiyadiisa yeelatay Manchester United Wilfried Zaha uu ugu dambeyn u bedeli karo halyeeyga kooxda Cristiano Ronaldo kaasoo uu in muddo ah bedelkiisa baadi goobayey tababare Sir Alex Ferguson.
Red Devils ayaa xidigaan 17 milyan oo ginni kula soo saxiixatay bishii Janaayo iyadoo Zaha inta ka dhiman xilli ciyaareedkaan dib loogu celiyey kooxdiisii hore ee Eagles, xilli uu 20-jirkaani xagaaga kusoo biiri doono Old Trafford.
Salako oo sidoo kale ah tababaraha da’yarta kooxda London, ayaa sheegay inuu Zaha si adag u shaqeeyey uuna leeyahay awooda uu ku bedelo ku guuleystihii Ballon d’Or 2008.
“Manchester United marnaba xaqiiqdii ma aysan helin bedelka Cristiano Ronaldo dhab ahaantii haatan waxaan u maleynayaa Wilfried Zaha ayaa leh awoodii uu ku bedeli lahaa,” ayuu u sheegay shabakada Goal.com.
“Hadii uu kala bar yeesho naf u huridii Ronaldo, hugaankiisii, xoog saaridiisii iyo jamashadiisii wuxuu fursad u heli doonaa inuu noqdo ciyaarayahaka aduunka ugu fiican.
“Hubaashii ka hoos shaqeynta Sir Alex waa deegaanka Man United, ma uusan aadi laheyn meel ka fiican. Hada waxaan u maleynayaa inuu noqon doono ciyaaryahan aan caadi aheyn.
“Wax walba waa uu heystaa wiilkaani [Zaha]; waa ciyaaryahan xoogan, wuuna orod badan yahay wuxuuna leeyahay awood heer sarre ah, laakiin wuxuu u baahan yahay inuu wax badan barto, waqti xaadirkaan weli waa kuray yar.”
















