Carlos Tevez iyo Samir Nasri oo hogaamin doona cayaartoy laga qufayo Man City xagaagga
Carlos Tevez ayaa waxaa loo ogolaan doonaa inuu ka tago Manchester City kadib dhammaadka xilli cayaareekdan, ayada oo naadiga heysata horyaalka Premier League ay qorsheeneyso dib u habeyn xoogan oo kooxda lagu sameeyo.
Tevez ayaa weli diidan inuu saxiixo qandaraas cusub, waxaana kooxda ay go’aansatay inaysan ahayn in waqti ay isaga lumiso xiddig kusii siqaya da’iisa 29-aad.
Xiddigaha kale ee Man City ay qorsheeneyso inay albaabka ka saarto waxaa ka mid ah Edin Dzeko, Samir Nasri, Joleon Lescott, Scott Sinclair, ¬Aleksandar Kolarov iyo Maicon.
Dzeko iyo Nasri ma aysan muujin sababta lacag badan loogu soo iibiyay, mushahar xad dhaaf ahna loo siinayo, waxaana sidoo kale jirin qorshe qandaraas cusub lagu siinayo Lescott, oo galay 12-kii bil ee ugu dambeysay qandaraaskiisa.
Mustaqbalka Gareth Barry iyo James Milner ayaan sidoo kale caddeyn.
Barry oo bishan gudaheeda noqon doona 32 jir, waxaana uu xilli cayaareedka dambe geli doonaa sanadkii ugu dambeeyay ee qandaraaskiisa, mana muuqato in City ay 32 jir lacag ku bixin doonto.
Wayne Bridge iyo Roque Santa Cruz, oo sidoo kale ammaah ku kala jooga Brighton iyo Malaga, oo qandaraaskooda ku eg yahay xilligan ayaa City ay iska fasixi doontaa.
Kolo Toure iyo Richards ayaan iyaguna heli doonin qandaraas cusub, xilli xaalka Yaya Toure uu sidoo kale allow sahal yahay.
Man City ayaa aaminsan in dhammaantood ay ku fashilmeen hankii kooxda, ayada oo laba xilli cayaareed oo isku xiga ay kusoo hartay wareega koowaad ee koobka UEFA Champions League.

















