Rafa Benitez “Aniga ayaa sii ahaan doona tababaraha Chelsea xilli cayaareedka dambe”

Qof kasta waa uu arkaa in Rafa Benitez ay suurta gal tahay in shaqada laga ceyriyo daqiiqad kasta, ayada oo la eegayo xaaladda xun ee kooxdiisa Chelsea ay iminka ku sugan tahay.

Kooxda Chelea ayaa shalay 3-2 waxaa ku garaacday Newcastle, oo daqiiqaddii 90-aad ka dhalisay gool wadne jare ah, toddobaad kadib markii ay 2-0 hogaan ah iska khasaarisay oo 2-2 ay la gashay Reading.

Haddaba ayada oo ay jiraan dhammaan arrimahaas, ayaa Benitez waxa uu ku adkeysanayaa inuu sii ahaan doono macallinka Chelsea, welibana maahee xilli cayaareedkan, oo uu sidoo kale leylin doono Chelsea xilli cayaareedka dambe.

Bentiez ayaa xiddigaha Chelsea u sheegay inuu la hadlay milkiile Roman Abramvich, uuna u xaqiijiyay in xilkiisa aanu murran ku jirin,inkasta oo kooxda ay iminka wajaheyso xaalad adag.

Si kastaba dad badan ayaan rumeysan hadalka Benitez, waxaana ay aamisan yihiin in xittaa laga yaabo in bishan uusan dhameysan iskaba daa xilli cayaareed kale’e.

 

 

Comments are closed.