Asmir Begovic oo 9 milyan ugu wareegi doona Man United
Asmir Begovic ayaa waxa uu 9 milyan oo gani heshiis ku kacaya ugu wareegi doonaa Manchester United dhammaadka xilli cayaareedka, wargeyska Sunday People ayaa sidaas qoray.
Tababare Sir Alex Ferguson ayaa qarka u fuulay inuu lasoo wareego goolhayahaas kooxda Stoke, maalinkii ugu dambeeyay ee daaqaadda suuqa kala iibsiga cayaartoyda.
Hase yeeshee Begovic ayaa United ku biiri doona xilli cayaareedka dambe, ayada kooxda Stoke ay goor horeba Birmingham kala soo wareegtay xiddigii beddeli lahaa.
Ilo-wareedyo ku sugan Old Trafford ayaa sheegaya in goolhayaha United David De Gea uu kadib dhammaadka xilli cayaareedkan dib ugu laaban dono dalkiisa Spain.
De Gea ayaan noqon sidii United ay ka fileysay, ayada oo xilli cayaareedkan uu sabab u noqday goolal badan oo kooxda laga dhaliyay, kadib qaladaad uu sameeyay.

















