Theo Walcott oo uga digay tababaraha xulka England Roy Hudgson inuu doonayo booska gool-dhaliyaha
Theo Walcott ayaa qeexay riyadiisa ah inuu xulka England uga ciyaaro weerarka, uuna doonayo fursad uu kor isugu qaado inuu ka helo xulka tababare Roy Hudgson ka dib markii uu la yaab xilli ciyaareedkaan ka dhigay weerarka kooxdiisa Arsenal.
23-jirkaan ayaa kooxdiisa gool qurux badan u dhaliyey kulankii ay barbaraha Arbacadii la galeen Liverpool, wuxuuna goolashiisa xilli ciyaareedkaan gaarsiiyey 18 gool ka dib 29 kulan oo uu saftay.
Ciyaaryahankii hore ee Southampton ayaa daaha ka qaaday sida uu ula dhacsan yahay inuu awoodo inuu ka ciyaaro weerarka, wuxuuna qirtay inuu weli doonayo inuu ogaado saameynta uu ku yeelan karo ciyaarta uuna u noqon karo weeraryahan heer sarre ah.
“Waxaan jeclaan lahaa inaan weerarka uga ciyaaro xulka England, laakiin sida iska cad go’aanka waxaa sameyn kara tababaraha,” ayuu u sheegay wargeyska talkSPORT.
Walcott ayaa horaanba wax ka badan todobo gool dhaliyey xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay ka dib 17 kulan oo uu ciyaaray, wuxuuna haatan shiishka saarayaa inuu mucjiso dhigo xilli ciyaareedkaan 2012-13.

















