Ronaldo oo ka hadlay muhiimada ay isaga u leedahay marka ay Real Madrid wajahdo kooxdiisii hore Manchester United
Cristiano Ronaldo ayaa daaha ka qaaday inuu ku faraxsan yahay inay Real Madrid wareega 16ka Champions League ku wajahdo Manchester United, wuxuuna sheegay inay dareen weyn uu u leeyahya kulankaan u dhexeeya labadaan koox.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Portugal ayaa lix sano kasoo ciyaaray Old Trafford, wuxuuna kooxda Sir Alex Ferguson ka caawiyey inay sedax jeer ku guuleystaan horyaalka Barclays Premier League ka hor inta uusan u dhaqaaqin caasimada Spain, wuxuuna haatan isha ku hayaa inuu wajaho kooxdiisii hore.
“Maalinkii uu dhacaayey isku aadka UCL waan ka maqnaa tababarka tanina waxay ii leedahay dareen xoogan waxaan la kulmeynaa Manchester United,” ayuu 27-jirkaani u sheegay The Sun.
“Markii isku aadka la sameeyey aad ayaan ugu farxay. Dabcan waa kulan adag. Ciyaarta Madrid iyo United waana labada koox ee ugu weyn caalamka waxaana dhab ah inuu kulanka 50-50 yahay. Wuxuuna u janjeersan karaa dhan walba.
“Manchester waxay ahaan jirtay gurigeyguu welina waxay ku taalaa wadnaheyga. Waan jeclahay Manchester. Sababtoo ah marka aad dad ka farxisay aad ayaad adna u farxeysaa weligeey ma ilaawi doono. Weligeey ma ilaawi doono United, weligeey ma ilaawi doono dadkii halkaas igala soo shaqeeyey iyo taageerayaashaba.
“Sidaas darteed aad ayaan ugu faraxsanahay inaan dib ugu laabto Manchester.”

















