David Villa oo doonaya inuu xagaaga ku biiro Arsenal, isla markaana soo macsalaameeyo kooxdiisa Barcelona
Weeraryahanka kooxda David Villa ayaa doonaya inuu 14 milyan oo ginni xagaaga ugu soo dhaqaaqo kooxda Arsenal, sida uu qoray wargeyska The Sun.
Wararka laga helayo agagaaraha Barcelona ayaa sheegaya inuu 31-jirkaani doonayo inuu u dhaqaaqo Gunners ka dib markii uu go’aansaday inuu ka tago Nou Camp.
Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa ku guuldarreystay dalab uu u diray Villa bishii lasoo dhaafay.
Laakiin xidiga Spain ayaa haatan sanad keliya ka hartay qandaraaskiisa Catalans waxaana loo badinayaa inuu Arsenal kula biiro qiimo ka yar kii ay Janaayo ku dooneysay oo ahaa 16 milyan oo ginni.
Ka dib markii uu muddo dheer dhaawac ku maqnaa xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay, Villa ayaa ku guuldarreystay inuu boos joogta ah ka helo kooxda koowaad ee Barca xilli ciyaareedkaan.
Wuxuu xilli ciyaareedkaan saftay 15 kulan, wuxuuna dhaliyey 10 gool.
Hada ayuu weeraryahanka reer Spain mar kale doonayaa koox uu ku noqdo wiilkii uu waayo ahaan jiray, Villa ayaa Isbuucii mushaar ahaan u qaata 110 kun oo ginni, sidaas darteed mushaarkiisu ma uu tifqin doono dhaqaalaha kooxda reer London.
Laakiin Wenger ayaa bedelay siyaasadiisa aheyd inuu keliya hal-sano oo qandaraas ah siiyo ciyaartoyda ay da’doodu ka weyn tahay 30 sano.
Villa ayaa loo badinayaa inuu kooxda ka dhisan Emirates Stadium ka dalban doono qandaraas afar sano ah.
Saxiixaan ayaa sidoo kale laga yabaa inuu deiyo maskaxda taageerayaasha hugaama koobabku ka lumeen ee Gunners.
Arsenal ayaa sanadihii u dambeeyey suuqa geysay ciyaartoy magac leh sida; Cesc Fabregas, Gael Clichy, Kolo Toure Samir Nasri, Robin van Persie iyo Alex Song kooxda ayaana kusii socota wadadeeda aysan todobo sano koob ku qaadin.

















