Faaqidaada kulanka caawa UCL ku dhex mari doona kooxaha Arsenal iyo Bayern Munich

Kulanka: Arsenal ?…? Bayern Munich

Waqtiga: 10:45pm (Xilliga Maxalliga Ah)

Garoonka: Fly Emirates Stadium

Garsoore: Svein Oddvar Moen (U dhashay Norway)

Shaxda Macquulka Ah Inay Labadaan Koox Garoonka Kusoo Galaan:
ARSENAL

Szczesny
Sagna, Koscielny, Mertesacker, Vermaelen
Arteta, Ramsey
Wilshere

Walcott, Podolski, Cazorla

BAYERN MUNICH

Neuer
Lahm, Van Buyten, Dante, Alaba
Martinez, Schweinsteiger
Muller, Kroos, Ribery
Mandzukic

Daafaca cusub ee kooxda Arsenal Nacho Monreal ayaa kulankaan ciyaari doonin maadaama uu isla sanadkaan UCL kala qeyb qaatay kooxdiisii hore Malaga, Kieran Gibbs ayaa cajirka dhaawac ka qaba iyadoo Andre Santos uu amaah ku aadagy Isbuucii hore kooxda Gremio.  Sidaas darteed Thomas Vermaelen ayaa loo badinayaa inuu Arsene Wenger ka ciyaarsiiyo daafaca bidix.

Mikel Arteta ayaa kulankaan si buuxda taam u aheyn ka dib markii uu kasoo kabsaday dhaawac, sida ay daaha ka qaaday shabakada Goal.com Isniintii. Goal.com ayaa aaminsan inuu Wenger weerarka ka ciyaarsiin doono Theo Walcott, Lukas Podolski iyo  Santi Cazorla isagoo shaxdiisa weerarka ka reebi doona Olivier Giroud.

Burburiyaha kooxda Bayern Munich Javi Martinez dhaawac farta cagta kasoo gaaray u seegay kulankii u dambeeyey ee Wolfsburg, laakiin waxaa laga yaabaa inuu caawa usoo laabto hugaamiyeyaasha Bundesliga.

Claudio Pizarro (jirro) iyo Holger Badstuber (jilib) ayaa ka maqan kooxda martida ah, halka Jerome Boateng uu kulankaan ganaax ku seegi doono.

Miyaad La Socotaa?
  • Arsenal iyo Bayern Munich ayaa afar jeer kulmay ka hor kulanka caawa Champions League, Gunners ayaa hal jeer oo keliya badisay.
  • Kulankoodii u dambeeyey ayaa sidaan oo kale ahaa wareega 16ka Champions League, markaasoo kooxda Jarmalku celcelis ahaan kusoo baxday 3-2 xilli ciyaareedkii 2004-05.
  • Olivier Giroud ayaa afar gool caawiye ka ahaa wareegii Group-yada Champions League xilli ciyaareedkaan; keliya Zlatan Ibrahimovic oo shan gool caawiyey ayaa ka badan.
  • Lukas Podolski ayaa sedax darbo ku dhaliyey sedax gool xilli ciyaareedkaan Champions League.
  • Bayern Munich ayaa ah kooxda ugu badan ee ciyaaryahano kala duwan ay goolal ugu dhaliyeen wareega Group-yada UCL, waxayna ahaanyeen sagaal gool.
  • Kooxda Jarmalka ayaa sidoo kale ah kooxda ugu yar ee darbooyin tuurtay wareegii Group-yada, keliya waa 17 darbo.
  • Guushii u dambeysay oo ay Bavarians ku gaarto England ayaa aheyd bishii April 2001, waxayna 1-0 sideed dhamaadka guul kaga gaartay Manchester United iyadoo finlkii Koobka ka qaaday Valencia.
  • Mario Gomez (sawirka, midig) ayaa dhaliyey 25 goll 26 kulan oo uu Champions League kusoo bilowday.

Comments are closed.