Kabtan John Terry oo isha ku haaya inuu Frank Lampard baaqi kusii ahaado kooxda Chelsea
Kabtanka kooxda Chelsea John Terry ayaa sheegay in ciyaartoyda Stamford Bridge ay ka dambeeyaan Frank Lampard ayna doonayaan inuu xidiga qadka dhexe ee reer England kooxda sii joogo.
Qandaraaska uu Lampard kula jiro kooxdiisa Blues ayaa dhamaanaya xagaaga, mana aysan bilaaban wax wadahadal ah oo la xiriira macquul ahaanshiyaha in qandaraaska loo kordhiyo 34-jirkaan.
Taageerayaasha Chelsea ayaa cadeeyey inay doonayaan inuu Lamps baaqi kusii ahaado Bridge, hadana Terry ayaa sidoo kale isha ku haaya inuu halyeeygaani kooxda kusii nagaado wixii ka dambeeya marka uu dhamaado qandaraaskiisu.
“Frank wuxuu kooxda siin karaa wax badan waa dhiiri geliyaha qof walba oo kooxda ku sugan,” ayuu saxaafada u sheegay JT.
“Sanado badan ayaa kusii haray isaga waxaana dhamaanteen rajo ka qabnaa inuu sanadahaas oo dhan halkaan [Chelsea] baaqi kusii ahaado.
“Waan ku rajo weynahay inuu halkaan sii joogo, hadii aysan noqon hubaashii sanado kale ayuu sii ciyaari karaa.
“Ma ahan inaan ku maaweelinaayo fikrada ah inuu Lamps koox kale u ciyaaro.”
Terry oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri: “Xittaa hadii uu yahay ciyaaryahan da’a ah, weli wuxuu qaadanayaa tababar fiican isagoo jaraya masaafo milyan mile ah. Wuxuu u shaqeeyaa si adag wuxuu dhalin karaa goolal badan. Caruurtu wa ay fiirsanayaan waxayna ku fikirayaan: ‘waa qofka ugu haboon ee booskaas ka ciyaara’.
“Laakiin I aamin aad ayey u adag tahay in sidiisa oo kale loo shaqeeyo tababarka ka hor ama tababarka ka dib, wuxuu u shaqeeyaa si awood badan mana daalayo.
“Waxaan u maleynayaa inay kuu muuqato inuu dabciyan aad u taam yahay. Inkastoo taasi ay jirto si adag ayuu hadana u shaqeyanayaa tababarka ka hor iyo ka dib.”

















