Daafaca dambeedka midig Dani Alves oo ku qalqaalinaya kooxdiisa Barcelona inay lasoo saxiixato xidiga Arsenal Wilshere
Barcelona ayaa laga yaabaa inay hal jeer iyo wax ka badan isku daydo inay lasoo saxiixato xidiga qadka dhexe u maamula kooxda Arsenal Jack Wilshare, sida laga soo xigtay daafaca midig kooxdaas Dani Alves.
Wilshere ayaa si aad ah uga soo dhex dhalaalay qadka dhexe ee Gunners tan iyo markii uu kasoo laabtay dhaawac uu 15 bilood garoomada uga maqnaa wuxuuna haatan kooxdiisa u saftay 23 kulan tartamada oo dhan, iyadoo la rajeynayo inay kooxo badan saxiixiisa isku garbiyaan.
Laakiin muuqaal uu ku daysado ayey u egtahay wadadii ay mareen Thierry Henry, Cesc Fabregas iyo Alex Song kuwaas oo Emirates Stadium uga biiray Camp Nou xilli ciyaareedyadii dhowaa, Alves ayaana aaminsan inuu 21-jirkaani si la mid ah ugu soo dhaqaaqi doono kooxda Catalans.
“Waa ciyaaryahan weyn oo aan la kulmay markii aan ka hor tagnay Arsenal shaki la’aan wuu gaari karaa heerka ugu sareeya oo ay gaareen ciyaaryahanadu waxaan halkaan [Barcelona] ku heysanaa sida Xavi iyo Iniesta” ayuu Alves u sheegay saxaafada.
“Wuxuu leeyahay tayo badan waana shaqsi wanaagsan. Hadii la I siin lahaa fursad aan ciyaaryahan ku dooqdo, waa ciyaaryahanka aan jeclaan lahaa inaan Barcelona ula soo saxiixo.”

















