Faaqidaada kulanka adag ee caawa UCL ku dhex mari doona AC Milan iyo Barcelona
Kulanka: AC Milan ?…? Barcelona
Waqtiga: 10:45pm (Xilliga Maxalliga Ah)
Garoonka: San Siro
| Shaxda Macquulka Ah Inay Labadan Koox Garoonka Kusoo Galaan: |
|
AC MILAN
Abbiati Abate, Zapata, Mexes, De Sciglio Montolivo, Ambrosini, Nocerino Boateng, Pazzini, El Shaarawy |
BARCELONA
Valdes Alves, Pique, Puyol, Alba Xavi, Busquets, Fabregas Pedro, Messi, Iniesta |
AC Milan ayaa qiimeyn doonta xaalada weeraryahankeeda Stephan El Shaarawy oo dhaawac jilibka ah qaba ka hor kulanka ay wareega 16ka UEFA Champions League wajahayaan Barcelona.
Mario Balotelli ayaa kulankan ciyaari Karin maadaama uu isla xilli ciyaadkaan horay ugu soo ciyaaray Man City, Nigel de Jong ayaana dhaawac canqawga ah kulankaan ku seegi doona, laakiin Giampaolo Pazzini ayaa dhaawac feysha ah kasoo laabtay.
Dhanka kale Daniele Bonera (cajir) iyo Robinho (jilib) ayaa shaki ku jiraa, halka Philippe Mexes uu Milan usoo laaban doono ka dib kulan laga ganaaxay ciyaaraga Yurub.
Barcelona ayaa war fiican usoo yeeray ka dib markii uu usoo laabtay kubad sameeyahooda Xavi, kaaoso dhaawac feysha ah la dhibaatoonaayey dhowaanahaan.
Si kastaba, Adriano (cajir), Eric Abidal iyo David Villa oo labadooduba xanuunsan ayaan ka mid aheyn safarkii ay Barca ku aaday Italy.
| Miyaad La Socotaa? |
AC Milan ayaan laga adkaan todobo kulan oo Serie A waxayna guulo gaartay lixdii kulan oo u dambeeyey oo ay tartamada oo dhan ku ciyaartay San Siro.- Rossoneri ayaa afar jeer Barcelona uga hor tagday Champions League xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay, laba jeer ayey barbar dhac la gashay halka laba jeerna guul darro kasoo gaartay. Dhamaan marka la kulmiyo Rikoorka ay kooxaha Spain uga heysato San Siro waa sidaan: 11 Guul, 6 bareejo iyo 6 guul darro.
- Bojan Krkic (sawirka, midig) ayaa Barca 163 kulan u saftay intii u dhexeysay 2007 ilaa 2011, wuxuuna u dhaliyey 41 gool.
- Barcelona ayaa guul gaartay sideed ka mid ah 11 kulan ee u dambeeyey oo ay garoon kale kusoo ciyaareen Champions League waxaana diirada u saaran inay markii lixaad oo isku xigta gaarto sideed dhamaadka UCL.
- Kooxda Catalan ayaan guul darro kasoo gaarin todobo kulan oo ay ka hor tagday Milan. Marka la kulmiyo Rikoorka ay ka heysato ciida Italy waa sidaan: 6 guul, 7 bareejo iyo 5 guul darro.
- Lionel Messi ayaa dhaliyey 56 gool oo Champions League ah wuxuuna sidaas ku barbareeyey Ruud van Nistelrooy keliya Raul oo dhaliyey 71 gool ayuu ka dambeeyaa.

















