Muddo dheer ka dib Eric Abidal oo laga yaabo inuu kulankiisii u horeeyey Sabtida ciyaaro

Daafaca dambeedka bidix ee kooxda Barcelona Eric Abidal ayaa muddo dheer ka dib garoomada kusoo laabtay, ka dib markii uu maray qaliin buro looga jarayo.

Abidal ayaa loo badinayaa inuu ciyaaro kulanka ay kooxdiisa Barca Sabtida la ciyaareyso kooxda Seville ee ka dhici doona gegeda Comp Nou.

-Wargeyska kasoo baxa Catalan ee Sport ayaa daabacay in qaliinkii dhinaca beerka ahaa ee uu mudada dheer la maqnaa Eric ka dib fasax loo siiyey inuu haatan kooxdiisa u ciyaari karo.

Maamulka Barca ayaana aad ugu riyaaqay soo laabashada daafacooda qabiirka ah, xilli la xasuusto inay Barca xidigaan ku sharaftay inuu u qaado Koobkoodii u dambeeyey ee UEFA Champions League 2011kii.

Comments are closed.