Anderson oo qashinka ku daray wararka la xiriirinaya inuu ka tegayo Manchester United

Ciyaaryahanka qadka dhexe ee kooxda Manchester United Anderson ayaa beeniyey wararka sheegaya inuu dhowr jeer isku deyey inuu ka tago kooxdiisa, wuxuuna sheegay inuusan aheyn xidig lumay, inkastoo ay United kula soo wareegtay 20 milyan oo ginni.

Ciyaaryahanka qaranka Brazil ayaa ka habsaamay inuu si fiican uga soo dhex dhalaalo United, xilli uu lix sano la joogay kooxda wuxuuna xagaagii 2007dii uga soo dhaqaaqay kooxda FC Porto ee dalka Portugal.

Manchester+United+Training+SessionSi kastaba ha ahaatee, 24-jirkaan ayaa waxaa mustaqbalkiisa ciyaareed saameyn weyn ku reebay dhaawacyo is daba joog ah, laakiin tababare Sir Alex Ferguson ayaan weli ka rajo dhigin.

Xidigii la magac baxay Ronaldinho-ha cusub, Anderson ayaa sagaal gool u dhaliyey Red Devils ka dib 164 kulan oo uu u saftay, waxaana qandaraaskiisa ka dhiman laba sano, iyadoo la filaayo inay xagaaga kooxdiisu suuq geyso.

Laakiin Anderson Luis de Abreu Oliveira ayaa sidoo kale ku biiraya raga Koonfur America kasoo jeeda ee horay kooxdaan ugu fashilmay sida; ciyaaryahankii reer Brazil Kleberson xidigii Argentina Juan Veron.

“Wararka sheegaya inaan kooxda ka tegayo, gabi ahaanba run maahan,” ayuu yiri: “Qof walba waa ogyahay inaan halkaan ku faraxsanahay. Dhaawacyo badan ayaa isoo gaaray laakiin weligeey ma aanan dooneyn inaan wejigeyga halkaan dhaafiyo.

“Waxaan isku deyeyaa inaan kooxdeyda caawiyo waqtiga oo dhan. Aniga ahaan marka aan doonayo inaan kooxda ka tago waxaan ugu horeyn la hadli doonaa macalinka. Ma doonayo inaan kooxda ka tago.”

Comments are closed.