Manchester United iyo PSG oo ku dagaalamaya xidiga kooxda Real Madrid Angel Di Maria

Wakiilo soo indha-indheeya ayey kooxaha Manchester United iyo Paris Saint Germain u direen ciyaaryahanka garabka uga ciyaara kooxda Real Madrid Angel Fabio di Maria, kaaso haatan xilli ciyaareed adag ku qaadanaya Santiago Bernabeu, sida uu qoray wargeyska Daily Mirror ee kasoo baxa dalka England.

Real Madrid v Manchester United - UEFA Champions League Round of 16-1709353Xidiga garabka uga duula Los Blancos ayaa waxaa soo dalbaday kooxo badan oo ka dhisan Yurub, marka lagu daro Red Devils iyo PSG.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Argentina ayaa haatan sanad aan u fiicneyn ku qaadanaya caasimada Spain, sida uu qirtay wakiilkiisu xidigaan ayaa go’aan ka gaarin doona mustaqbalkiisa fog.

Di Maria ayaa Real Madrid 2010kii uga soo biiray kooxda Benfica, wuxuuna lama taabtaan ka ahaa kooxda, laakiin horumarka joogtada ah ee uu sameynayo Jose Callejon ayaa ka dhigan inuu booskiisa dagaal kula galo, ama uu booskaba u baneeyo Mesut Ozil oo garabka ka ciyaara marka ay ciyaar kusoo wada bilowdaan Luka Modric.

Comments are closed.